Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubada hoose oo laga dareemayo Kobac dhinaca Ganacsigaa

0
427

Kismaayo(Waamo Radio)Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubada hoose oo ku taalla bartamaha Gobalka Jubada hoose,waxayna ay xad wadaagyihiin Degmada Badhaadhe, Kismaayo, Jamaame, Jilib, Xagar, Baardheere,Ceelwaaq iyo Dalka Kenya.

Degmadaan oo magaalada Kismaayo u jirto qiyaastii 139,km ayaa haatan laga dareemayaa hurmaro dhinacyada ganacsiga iyo dhismaha waxaana jira dad kasoo laabtay dalka dibadiisa iyo ka yimid gudaha dalka soomaaliya oo iyagu isku howlaya sidii ay degmadu unoqon laheyd mid laga helo dhamaan adeegyada Bulshada ubaahan tahay.

Qaar ka mid ah ganacsatada Degmada Afmadoow ayaa ka waramaya isbadalka ganacsi ee laga dareemayo suuqyada Afmadoow.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here