Mane Oo Sheegay In Salah Uusan Liverpool Oo Dhan Ku Metelin Hadaladii Uu Real Madrid Ka Yidhi

0
253

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay hadalada soo noqnoqday ee uu saaxiibkiisa kooxda ee Mohamed Salah ku sheegay inuu sugi la’yahay kahor tagista Real Madrid Final-ka UEFA Champions League ee Sabtida berri ah qabsoomaya.

Xiddiga ree Masar ayaa hubaal wali xasuusta wixii ka dhacay Final-kii CL ee 2018 markaas oo uu dhaawac xun uga baxay garoonka 30 daqiiqo kaddib xilli 3-1 looga qaaday koobka.

Liverpool ayaa sanad kaddib soo kabatay iyaga oo ku guuleystay tartankaas oo ay Final-kiisa 2-0 kaga qaadeen Tottenham, si kastaba Mohamed ayaa aaminsan in Reds ay wali shaqo ugu hadhsan tahay Los Blancos.

Salah ayaa si cadaan ah u sheegay kahor soo bixitaankii Final-ka ee Madrid inay kooxda ree Spain tahay mida uu doonayo inay usoo baxdo halka uu markii ay soo baxday kaddibna caddaystay inay aargoosi u socdaan kulankaas.

Haatan Mane oo u muuqda mid doonaya inuu culayska ka qaado Liverpool ayaa sheegay inay isaga u tahay kulan caadi ah oo aargoosigu uu ku kooban yahay Salah.

“Tani Salah ayay gaar ku tahay. Kani waa Salah, anaga maaha, isaga ayaa sidaas yidhi” ayuu ugu horreynba hadalkiisa ku bilaabay 30 sano jirka ree Senegal.

“Aniga ahaan kaliya waa kulan sida kulamada kale ah kaas oo noqon doona mid aad iyo aad u adag waananu rajaynaynaa inuu sidaas noqdo sababtoo ah (Real Madrid) waa mid kamida kooxaha ugu wanaagsan dunida”.

“Horeba halkan oo kale waanu usoo gaadhnay sidaas darteed waan garanayaa inaanu diyaar u noqon doono. Waxaanu samayn doonaa waxkasta oo macquul ah si aanu kulanka u guuleysano”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here