Liverpool Oo Ku Guuleysatay FA Cup Oo Ay Rikoodheyaal Kaga Qaadday Chelsea

0
180

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleysatay FA Cup, kaddib markii ay rikoodheyaal kaga badisay Chelsea ciyaar socotoay 120 daqiiqadood oo goolal la’aan ku dhamaatay.

Liverpool ayaa rikoodheyaal 5-6 ah kaga adkaatay Chelsea, waxaanay markii labaad taariikhdeeda isku darsatay FA Cup iyo Carabao Cup oo ay sidan oo kale ugu wada guuleysatay xilli-ciyaareedkii 2000-01, iyadoo labadan kooba ka qaaday Chelsea oo ay labada jeer ba rikoodheyaal isla yimaaddeen.

Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee sannad gudihii ay hal koox ka wada qaaddo Carabao Cup iyo FA Cup,  waxaanay sidan oo kale ku dhacday Middlesborugh sannadkii 1997kii. Waxa kale oo ay Chelsea noqotay kooxdii ugu horreysay ee saddex final oo FA Cup ah guul-darraysata, waxaana labadii xilli-ciyaareed ee u dambeeyey koobka ka qaaday Leicester City iyo Arsenal.

Cesar Azpilicueta ayaa Chelsea ka khasaariyey rikoodhihii labaad ee ciyaarta, hase yeeshee Mendy ayaa la baxsaday oo Sadio Mane ka qabtay rikoodhihii shanaad oo haddii ay dhalin lahaayeen ay Liverpool koobka u dabbaal-degi lahayd.

Alisson Becker ayaa kubadda ka qabtay Mason Mount oo tuurtay rikoodhihii toddobaad ee Chelsea, waxaana ka faa’iideeyey Kostas Tsimikas oo Liverpool u dhaliyey rikoodhaha lixaad ee u go’aamiyey guusha koobka FA Cup.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here