Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xeebta Qoryoolay ee Xaafadda Faanoole gaar ahaan waaxda Mariino ayaa waxaa bilahaan waxaa buux dhaafiyay biro iyo qashin aad u badan oo xeebta lagu soo daadiyay,kuwaas oo haleeyay Bilicda ay xeebtaan caanka ku tahay.
maadama ay tahay xeeb ay ka dhex baxdo dhir cagaaran oo aad u quruxbadan dadka ku nool kaamka Qoryeeleey oo ag deggan xeebta iyo dhalinyarada ururka dalxiiska Jubbaland ayaa waxey ka sameeyeen Ol’ole ballaaran oo qashinka xeebta looga guraayo.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.