Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo ku baaqday in La gaabiyo Makarafoonada Masaajidda Kismaayo xiliyada Tahajudka

0
232
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caddaalada Arimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay mas’uul ka tahay goobaha Lagu barto diinta iyo goobaha lagu cibaadeysto ee ku yaallo deeegaanada Jubbaland.
Waxaa lagu jiraa bisha barakeysan ee ramadaan dadka muslimiinta bishaan waxa ay laba jiraan cibaadada iyagoo u gudanaya siyaabo kala gadisan, waxaa jira dad badan oo aan awoodin iney cibaadeystaan sida waayeellada sariirta saaran, kuwa xanuunka uu soo ritay iyo caruurta yar yar.
Agaasiamaha waaxda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland Abdullaahi Maxamuud Ibraahim oo arimahaasi oo dhan fiirinaya kana duulayo ayaa goobaha Lagu cibaadeysto  ugu baaqay in La gaabiyo makarafoonada Masaajidda uu dhawaaqoodu sareeyo ee ku yaalo magaalada  Kismaayo xiliyada tarawiixda iyo Tahajudka.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here