Mbappé oo sheegay xilliga uu shaacin doono go’aanka ku aadan mustaqbalkiisa

0
219

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Saxaafada Spain ayaa shaaca ka qaaday taariikhda la qorsheeyay in la shaaciyo go’aanka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé.

Qandaraaska Mbappé ayaa dhacaya dhammaadka xiliciyaareedkan, iyadoo aan ilaa hadda heshiis laga gaarin cusbooneysiinta, waxaana jira warar sheegaya inuu ogolaaday inuu si bilaash ah ugu biiro Real Madrid, suuqa xagaaga ee soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dalka Spain, Mbappe ma shaacin doono go’aanka ku saabsan mustaqbalkiisa kahor dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Kylian Mbappé ayaa kula ciyaari doono Paris Saint-Germain kulankiisa ugu dambeeya horyaalka France kooxda Metz, 21 bisha May ee soo socota. Wuxuuna kulanka kaddib shaacin doonaa go’aanka ku aadan mustqbalkiisa kaasoo ay ku farxi doonaan ama ka xanaaaqi doonaan taageerayaasha PSG.

Wargayska ayaa intaa ku daray in inkasta oo ay jiraan warar badan oo ku saabsan mustaqbalka Kylian Mbappé iyo ku biiristiisa kooxda Real Madrid, hadana ciyaaryahanka ayaa xaqiijiyay ixtiraamka uu u hayo Paris Saint-Germain, wuxuuna diiday inuu ka hadlo arintaan ilaa iyo inta uu qandaraaskiisa ka sii socdo garoonka Parc des Princes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here