HORDHAC: Liverpool v Everton – Merseyside Derby – Reds Oo Guul Ay City Ugu Dhawaadaan Doonaya, Lampard Oo Hortaagan & Xogta Kulanka

0
283

Liverpool ayaa maanta qaabilaysa dhigeeda Everton iyadoo doonaysa inay ku dhawaato markale kooxda hoggaanka haysa ee Manchester City oo shalay guul ay ka gaadhay Watford afar dhibcood ku qabatay hoggaanka.

Everton iyo tababaraheeda Frank Lampard ayaa kulankan imanaya iyagoo wax ay dhawrsadaan aysan jirin maadaama oo ay booska 17-aad fadhiyaan aadna ugu dhaw yihiin inay kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco galaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liverpool ayaa haysata saf ku dhawaad dhammaystiran, Roberto Firmino ayaa ah xiddiga kaliya ee taam ahaanshihiisa shakigu ku jiro, maadaama uu Jurgen Klopp dookhyo badan weerarka ku haysto ayuusan halis galin doonin Brazilian-kaas.

Klopp ayaa bedelo kooban ku samayn kara shaxdii uu kaga hortagay Manchester United isaga oo isha ku haya kulanka Champions League ee Villarreal.

Thiago Alcantara ayaa nasiimo loo diri karaa kulankan iyadoo Naby Keita uu booskiisa sii buuxinayo kana garab ciyaarayo Jordan Henderson iyo Fabinho.

Dhinaca Everton, Lampard ayaa qaba dhaawacyo badan, weeraryahan Dominic Calvert-Lewin ayaa dhaawac cusub ku maqnaanaya mudo halka saxeexii January ee Donny Van De Beek oo yahay mid aan la heli karin si lamid ah Andre Gomes, Andros Towsend, Nathan Patterson iyo Tom Davies.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Keita; Salah, Jota, Diaz

Everton (4-3-3): Pickford; Coleman, Keane, Mina, Godfrey; Allan, Delph, Iwobi; Gordon, Richarlison, Gray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here