HORDHAC: Arsenal v Man United – Booska Afraad Oo Lagu Daggaalamayo, Maguire Oo Maqnaan Doona & Xogta Kulankan

0
183

Arsenal iyo Manchester United ayaa xilli hore oo maanta ah fooda isku dari doona gegida Emirates Stadium kulan saamayn weyn ku yeelan kara kooxda ku dhammaysan doonta booska afraad xilli ciyaareedkan Premier League.

Arsenal ayay haatan dhibco wadaagaan kooxda booska afraad ee Tottenham walow ay farqiga goolasha kaga hooseyso waxaana saddex dhibcood ka dambaysa Manchester.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Kieran Tierney iyo Thomas Partey ayaa ah labada xiddig ee kaliya ee maqnaanshahooda la xaqiijiyay dhinaca Arsenal kahor kulankan.

Takehiro Tomiyasu oo mudo dheer maqnaa ayaa si fiican u qaatay tababarka waxaana uu Mikel Arteta sheegay inuu kusoo bilaaban doono haddii calaamado fiican laga arko.

Arteta oo saddex difaac dhexe kusoo shirtagay kulankii Chelsea balse waxa lagu wadaa inuu markale ku laaban doono hab ciyaareedkii afarta daafac ee caadiga ah.

Paul Pogba ayuu kulankii Liverpool u ahaa midkiisii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan kaddib dhaawacii haleelay waxaana sidoo kale jirta suurogalnimo ah inuusan mar dambe metelin kooxdaas maadaama heshiiskiisu xagaaga dhacayo.

Red Devils ayay wali ka maqnaan doonaan daafaca bidix ee Luke Shaw, khadka dhexe ee Fred iyo weeraryahan Edinson Cavani oo aan iyagu wali dhaawacyo kasoo kaban.

Warka u wanaagsan Rangnick ayaa ah inay soo laabteen Raphael Varane, Scott McTominay iyo Cristiano Ronaldo oo dhammaantood xulashada kulankan diyaar u yihiin.

Maguire ayaa la filayaa inuu kulankan keydka soo fadhiisto amaba gabi ahaanba maqnaado kaddib hanjabaado dhawaan hawada loo mariyay taas oo sababtay in tababare Rangnick doorbido inuu nasiimo u diro.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale, Cedric, White, Gabriel, Tavares; Elneny, Xhaka; Saka, Odegaard, Smith Rowe; Nketiah

Man United (4-3-3): De Gea; Dalot, Varane, Bailly, Telles; Fernandes, Matic, McTominay; Elanga, Ronaldo, Sancho

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Craig Pawson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here