Liverpool oo la wareegtay hoggaanka Premier League kaddib markii ay garoonkeeda Anfield si xun ugu bahdishay Man United

0
199

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay garoonkeeda Anfield ku garaacday Manchester United oo ay kaga adkaatay 4-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 5-aad ee bilowgii dheesha Liverpool ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Luis Díaz kaddib markii ay caawin kaga timid Mohamed Salah.

22 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Mohamed Salah oo caawin ka helay saaxiibkiis Sadio Mané ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 68-aad Sadio Mané oo ay caawin kaga timid Luis Díaz ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

85 daqiiqo Mohamed Salah ayaa soo xeray bandhigay goolasha kooxda Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-0, kaddib markii caawin goolkan uu ka helay saaxiibkiis Diogo Jota.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Liverpool, Manchester United oo ku soo booqatay garoonka Anfield, Reds ayaa kaddib guushan waxay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League, waxayna leedahay 76 dhibcood, 2 dhibcood ayeey ka sarreeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here