Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay Qodobo dhowr ah.

0
461

Kismaayo(Waamo Radio) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka khmiislaha ee Golaha Wasiirda Jubbaland oo lagu qabtay Aqalka Martida ee Magaalada kismaayo.

Shirkaan waxaa looga hadlay intii uu socday dadaalada xalinta tabashooyinkii ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland Bishii Aynu soo dhaafnay.

Sidoo kale Kullanka ayaa waxaa looga hadlay Xiritaankii Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Cabdinuur (Janan) iyo go,aankii Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Duulimaayada diyaaradaha Nairobi iyo kismaayo waxaana arimahaasi loo xil saaray in ay xal ka keenaan ilaa 7,Wasaaradood oo katirsan Dowlada Goboleedka Jubbaland.

Waxaana warbixintaan inoo soo diyaariyay:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here