HORDHAC: Liverpool v Man United ā€“ Reds Oo Horyaalku U Cad Yahay

0
217

Kooxda Liverpool oo doonaysa inay tartanka ay horyaalka Premier League kula jirto ee Manchester City sii xoojiso ayaa maanta qaabilaysa kooxda Manchester United, kulanka ugu faca weyn taariikhda England ayaa ka qabsoomaya gegida Anfield.

Man United ayaa la arki doonaa haddiiba ay aargoosan karto kaddib markii wareegii hore iyo ciyaartii ka qabsoontay Old Trafford ay guuldarro weyn oo 5-0 ah kala kulmeen kooxda macalin Jurgen Klopp.

Reds ayaa kulankan imanaya kaddib markii ay guul 3-2 ah wareega afar dhammaadka Man City kaga soo gaadheen FA Cup halka ay Man United isla natiijadaas oo kale kulan Premier League ah kusoo garaacday Norwich City.

Jurgen Klopp ayaa markale nasiib u helaya koox dhammaystiran, Diogo Jota ayaa la filayaa inuu kusoo laaban doono shaxda asaasiga ah.

Sidoo kale Joel Matip ayaa booska kala bixi kara Ibrahima Konate halka kabtan Jordan Henderson uu soo gali karo booskii Naby Keita ee kulankii ugu dambeeyay.

Dhinaca kale Manchester United oo marka horeba xaaladeedu iska adkayd ayaa qabta dhaawacyo aad u badan waxaana ugu horreynba hubaal maqnaan doona Scott McTominay, Fred, Edinson Cavani, Luke Shaw iyo Raphael Varane.

Intaas waxa dheer in aan la hubin haddiiba uu kulankan ciyaari doono weeraryahan Cristiano Ronaldo oo xalay xaqiijiyay inuu ka geeriyooday mid kamida laba mataanood oo caloosha loogu siday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here