Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Bartahamaha magaalada Kismaayo oo uu maro hal jid oo Laami ah oo ay badanaa ay Gaadiidka Dowladda iyo kuwa shacabka ay isticmalaan ayaa waxaa mararka qaar uu noqdaa Jaam ay sababaan Gaadiidka La dhigto hareeraha Wadada, waxaana arinkaasi cabasho badan ka muujiyay darawalada wado gaadiidka isticmaala wadadaan.
Taliyaha cusub ee ciidanka Taraafikada degmada Kismaayo Abdishakuur Dayib Sheekh oo La hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay go’aanka ka soo baxay Laanta Nabad galyada Waddooyinka.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.