Frankfurt oo jaratay tikitkeeda wareega Afarta ee Europa League kaddib markii ay ka ciribtirtay Barcelona

0
181

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Frankfurt ayaa jaratay tikitkeeda wareega Afarta ee Europa League kaddib markii ay ka ciribtirtay Barcelona oo ay kaga soo adkaatay 2-3, kulankii lugta labaad ee wareega siddeeda, iyadoo celcelis ahaan ku soo baxay 3-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda mrtida ahayd ee Eintracht Frankfurt.

Daqiiqadii 4-aad kooxda kubadda cagta Eintracht Frankfurt ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Filip Kostić, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-1.

36 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Eintracht Frankfurt ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay xiddigooda Rafael Santos Borré oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Filip Kostić.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here