Villarreal oo iska xaadirisay wareega AFARTA ee Champions League kaddib markii ay ka soo gudbeen Bayern Munich

0
177

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Villarreal ayaa iska xaadirisay wareega afar dhammaadka Champions League kaddib markii ay ka soo gudbeen kooxda Bayern Munich oo ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, maadaama kulankii lugta hore ay ku adkaadeen 1-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Bayern Munich iyo Villarreal ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Robert Lewandowski waxaana goolkan ka caawiyay Thomas Müller.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here