Maroodi durduro ku dilay nin cilmi-baare ah

0
237

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Nin cilmi-baare ah oo u dhashay dalka Colombia ayaa geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi ku jira beerta xayawaanaadka ee dalka Ugandha oo la yiraahdo Kibale National Park.

Sebastián Ramírez Amaya, oo ka tirsan jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa cilmi-baaris joogto ah ka waday kaynta beerta waxaana la joogay xilliga ay wax dhaceen koox isaga ka caawinaysay howsha barista sida ay sheegtay hay’adda duurjoogta ee magaceeda loo soo gaabiyp (UWA).

“Waxay la kulmeen Maroodi keligiis socda kaas oo ku soo orday waxaa qasab ku noqtay laba nin inay u ordaan jihooyin kala duwan. Maroodigu wuxuu raacdaystay Sebastian oo uu ku tuntay ilaa uu geeriyoodo”. ayuu yiri “Afhayeenka hay’adda UWA Bashir Hangi.

Weerarkaan uu Maroodigu ka gaystay beerta xayawaanaadka ee Kibale ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 50 sano laga joogo oo halkaa ka dhaca .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here