Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Cadaalada Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowlad goboledka Jubbaland ayaa baaq u diray dhammaan madaariista iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose .
Baaqa Wasaaradda ayaa ah mid ku aaddan in ay wasaaradda iska soo diwaan galiyaan Xarumaha Dugsiyada Qur’aanka ee aan horay Wasaaradda uga diwaan gashaneyn isla markaana ay qaataan kaarka aqoonsiga ee ay wasaaraddu bixiso.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.