Crystal Palace oo guul ay u qalantay ka gaartay Arsenal oo ku soo ku soo booqatay garoonka Selhurst Park

0
170

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Crystal Palace ayaa guul ka gaartay kooxda Arsenal oo ku soo ku soo booqatay garoonka Selhurst Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Crystal Palace.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Jean-Philippe Mateta, waxaana ka caawiyay Joachim Andersen.

24 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Jordan Ayew oo caawin ka helay saaxiibkiis Joachim Andersen ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Crystal Palace.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 74-aad kooxda Crystal Palace ayaa loo dhigay rigoore waxaana ka dhigay xiddigooda Wilfried Zaha, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Crystal Palace, kooxda Arsenal oo ku soo ku soo booqatay garoonka Selhurst Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here