Horudhac: Crystal Palace vs Arsenal

0
291

Kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa kulan ka mid ah kulammada loo yaqaano London Derby horyaalka Premier League kula balansan naadiga Arsenal caawa, waana kulanka ugu dambeeya horyaalka toddobaadkan.

Palace ayaa haatan ku jirta kaalinta 12-aad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 34 dhibcood, halka Gunners ay ku jirto kaalinta shanaad ee kala sarreynta iyadoo leh 54 dhibcood, waxaase u harsan kulanka caawa iyo mid kale oo baaqi u ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Selhurst Park

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka kooxaha:-

Kooxda Crystal Palace ayaa walaac ka muujineysa xaaladda taam ahaanshaha ee xiddigaheeda kala ah Michael Olise iyo Wilfried Zaha kuwaasoo aanan sameyn tababar maalmahan, sidaas darteed, waxaa laga yaabaa inaysan kusoo bilaaban ciyaarta caawa.

Dhinaca kale, Aaron Ramsdale ayaa kusoo laabtay tababarka gaarka ah iyadoo la filayo inuu markale ka maqnaado Arsenal kulankeeda caawa, waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulankan seego difaaca reer Japan ee Takehiro Tomiyasu.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Arsenal ayaa kaalinta shanaad kaga jirta kooxaha heysta rikoorka ugu wanaagsan dhanka difaaca horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, maadaama laga dhaliyay 31 oo qura, waxaana goolal intaas ka yar laga dhaliyay kaliya Wolves, Chelsea, Liverpool iyo Manchester City.

Crystal Palace ayaa adkaatay kaliya hal ka mid ah sagaalkeedii ciyaarood ee ugu dambeeyay Premier League oo ay ka hor tagtay Arsenal, halka sidoo kale ay barbarro ku dhammaadeen shan ka mid ah toddobadoodii is arag ee ugu dambeeyay horyaalka.

Arsenal ayaa la garaacay kulankeedii ugu dambeeyay horyaalka oo ay ciyaartay habeen Isniin ah, waxaana 2-1 ku garaacay Everton, Gunners ayaanan guuldarro la kulmin labo ciyaarood oo xiriir ah horyaalka Premier League games iyadoo ciyaareysa habeen Isniin ah tan iyo sanadkii 2010, halka markii ugu dambeysay hal xilli ciyaareed gudihiis labo Isniin oo xiriir ah horyaalka lagu garaaco ay ahayd fasalkii 1995/96.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Crystal Palace:

Guaita; Clyne, Andersen, Guéhi, Mitchell; Gallagher, Kouyaté, Eze; Ayew, Mateta, Édouard

Arsenal:

Leno; Cedric, White, Magalhaes, Tierney; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Lacazette

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here