Mateo Kovacic Waqtiga Uu Garoomada Ka Maqnaan Karo Oo La Ogaaday !!!

0
407

Kismaayo (Waamo Radio)-Xiddiga Kovacic ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka Qaranka Croatia  ayaa Dhaawac looga saaray Isaga Oo Gudanaya Waajibaadka Xulka Qarankiisa iyo kulamada is reeb-reebka Koobka Euro 2020.

Xiddiga Reer chelsea ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka Maqnaan Doono Muddo Dheer iyada oo ay Sabab u tahay Dhaawac ka soo Gaaray Ciribta Lugta Midig Waana Dhaawac Inta Badan Qaata muddo 4 bilood ah si uu u bogssado.

Xiriirka kubada cagta xulka Croatia ayaa sheegay in xidiga Kovacic laga reebay Liiska xiddigaha xulka ee ka qayb qaadan doona is reeb-reebke koobka Euro 2020 sabab la xidhiidha dhaawaca uu xiddigu ka cabanayo

Wargayska Daily Mail ayaa Sheegaya in Dhaawaca soo Gaadhay Kovacic in ay la Mid tahay Dhaawacyadii soo Gaaray Xiddigaha Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek Iyo Callum Hudson-Odoi Kuwaas oo Garoomada Ka Maqnaa Muddo 4 bilood ah.

Wargayska ayaa intaas ku Daray in Mudada uu Kovacic Maqnaan Doono in ayna ilaa haatan Kala Cadayn iyada oo Blues Rajaynayso in uuna Xiddigu Muddo Dheer Maqnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here