Taalibaan oo Haweenka ka mamnuucday inay maxram la’aan diyaarad raacaan

0
252

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Taalibaan ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas ka howlgala inay haweenka ka joojiyaan inay raacaan haddii aanu la socon nin ehel ah ama maxram, sida ay saraakiil socdaal u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Xannibaaddan cusub ee haweenka la saaray ayaa daba socota markii Arbacadii la xiray dhammaan Dugsiyada Sare ee gabdhaha saacado kadib un markii loo ogolaaday in markii ugu horeysay dib loo furo tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen bishii August.

Laba sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee Ariana Afghan Airlines iyo Kam Air ayaa Axaddii sheegay in Taalibaan ay ku amartay inay haweenka ka joojiyaan inay diyaaradaha koraan haddii ay kaligood yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here