El Hadji Diouf oo kula taliyay Mohamed Salah inuu wax ka barto casharka Eden Hazard

0
126

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Weeraryahankii hore xulka qaranka Senegal ee El Hadji Diouf ayaa kula taliyay Mohamed Salah inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Liverpool, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay June 2023.

El Hadji Diouf ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kula taliyay Mohamed Salah in uu sii joogo Liverpool oo uu 4 sano kale la sii ciyaaro Reds, sababa la xiriira in taageerayaasha kooxda reer England ay isaga jecel yihiin.

Al-Hajji Diouf ayaa tilmaamay in haddii uu Mohamed Salah u dhaqaaqo kooxda Real Madrid uu mari doono wadada xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard, kaas oo qaab ciyaareedkiisii โ€‹โ€‹ugu fiicnaa uga tagay kooxda Chelsea laakiin heerkiisa hoos u dhac ku yimid kaddib markii uu ku biiray Los Blancos.

Eden Hazard waxa uu Real Madrid kaga soo biiray Chelsea xagaagii 2019 adduun lacageed dhan 120 million euros, balse heerkiisa ayaa hoos u dhacay, mana ka qayb galin kulammadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan, iyadoo madaxda kooxda ay ku fikirayaan inay iibiyaan xagaaga.

Mohamed Salah ayaa diiday dalab uga yimid Liverpool tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, kaasoo ku saabsanaa kordhinta qandaraaskiisa kooxda, sababo la xiriira ogolaansho laโ€™aanta codsiyadiisa dhaqaale, sababtoo ah wuxuu doonayay inuu helo 450 kun oo ginni todobaadkii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here