Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxwayne Ku Xigeenka Koowaad ee Dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland waxaana Shirka lagu gorfeeyey Arrimo kala duwan oo la xidhiidha Xaaladaha dalka Gaar ahaan Doorashooyinka.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Jubbaland ah ayaa sidoo kale shirka intii uu socday soo bandhigtay warbixinta Qorshaha xalka waara iyo tababar loo fidiyey 20 Wasaaradood.
Intii uu shirka socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ayaa Iyana soo bandhigtay Warbixinta fulinta amarkii ay dhawaan soo saartay Wasaaraddu ee la xiriiray joojinta bacaha balaastigga ah, ayaa furay in la adkeeyey amarkaasi.
Cabdinuur Sabriye,ayaa warbixitan inooga diyaariyay.