Barcelona oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Santiago Bernabéu

0
108

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Santiago Bernabéu, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Daqiiqadii 29-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana u dhiibay weeraryahankooda Aubameyang kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Ousmane Dembélé.

38 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Ronald Araújo ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona, waxaana markale goolkan caawiyay Ousmane Dembélé.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad F. Torres oo caawin ka helay saaxiibkiis Aubameyang ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Barcelona, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

51 daqiiqo marka ay dheeha mareysay Aubameyang ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona, waxaana caawinta goolkan lahaa F. Torres.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa wali ku hoggaamineysa kala sareynta horyaalka 66 dhibcood, halka Barcelona oo ku jirta kaalinta saddexaad ay heysato 54 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here