Kaddib 10 sano oo uu joogay Chelsea, Cesar Azpilicueta oo heshiis la gaaray kuna biiraya kooxda Barcelona

0
103

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kabtanka Kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa la soo warinayaa inuu heshiis la gaaray Barcelona, isla markaana waxa uu beeca xorta ah ugu biirayaa suuqa xagaaga, isagoo ka tagi doona Magaalada London kaddib 10 sano oo uu ku sugnaa Blues.

Warsidaha Football Insider ayaa warinaya in daafacan 32-sano jirka ah uu iska diiday dhowr dalab oo uga yimid Blues oo ay ku doonaysay inuu kordhiyo heshiiskiisa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Azpilicueta ayaa hadda la gaaray Barcelona heshiis horudhac ah oo uu kaga tagayo garoonka Stamford Bridge uguna dhaqaaqayo Camp Nou bisha July.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa 10 sano ku qaatay kooxda Chelsea, waxaana uu kula guuleystay koobab badan oo ay ku jiraan labo horyaal iyo sanadkii la soo dhaafay oo uu la hantay Champions League.

Laakin fursadda uu ku heli karo inuu joogo koox ka dhisan dalkiisa hooyo, halkii uu ka mid ahaan lahaa koox kale oo Yurub ah ayaa ku adkayd inuu diido.

Azpilicueta waa mid ka mid ah saddexda ciyaaryahan ee muhiimka ah ee ka tagi doona Chelsea xagaagan, kaddib markii ay cunaqabateyn lagu soo rogay Milkiilaha Kooxda ee Roman Abramovich.

Daafaca dhexe ee reer Denmark, Andreas Christensen ayaa sidoo kale loo maleynayaa inuu si xor ah ugu biirayo Barcelona.

Dhanka kale, Antonio Rudiger ayaa lagu soo warramayaa inuu ogolaaday inuu Kooxda Juventus ugu biiro heshiis afar sano ah.

Iyadoo saddexda ciyaaryahan ee daafaca ka ciyaara ay ku dhow yihiin inay baxaan, kooxda Chelsea ayaa haysata kaliya doorashooyin kooban oo dhanka daafaca ah haddii uusan milkiilaha cusub lacago ku bixinin soo iibsashada difaacyo cusub iyo dib u dhiska naadiga suuqa xagaaga.

Sida ay haatan wax yihiin, Trevoh Chalobah, Thiago Silva iyo Malang Sarr ayaa noqon doona saddexda daafac dhexe ee kaliya oo kooxda ku haray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here