Crystal Palace oo taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Selhurst Park

0
132

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Crystal Palace ayaa taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Selhurst Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Crystal Palace iyo Manchester City ku kala nassteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Crystal Palace iyo Manchester City, City oo ku hoggaamineysa horyaalka 70 dhibcood, ayaa waxay 4 dhibcood ka sareysa naadiga kooxda labaad ku jirta ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here