Ralf Rangnick oo cadeeyay go’aanka Ronaldo ee ka qayb galka kulanka Manchester United iyo Tottenham

0
123

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa sharaxay haddii uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ka qeyb galayo kulanka adag ee Tottenham Hotspur.

Manchester United ayaa ku soo dhaweyn doonta kooxda Tottenham Hotspur habeen dambe oo Sabti ah, garoonka Old Trafford, si ay u ciyaaraan kulan ka tirsan Isbuuca 29-aad ee horyaalka Premier League.

Haddaba tababare Ralf Rangnick ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta kahor kulanka Tottenham Hotspur, wuxuu ku sheegay:

“Waxaan si buuxda ula soconaa muhiimada uu u inoo leeyahay kulanka berri, waa inaan badinaa.”

“Waxaan heysanay Toddobad wanaagsan oo dhanka tababar ah.”

“Ronaldo wuxuu dib u bilaabay tababarka shalayto, wuxuu sameeyay tababarka oo dha.”

“Waxaan filayaa inuu maanta tababarka qaadan doono, waxaan filayaa inuu diyaar noqon doono kulanka berri.”

“Ma weydiin isaga haddii uu ku faraxsan yahay Manchester, markale ayuu taam yahay, shalay ayuu dib u bilaabay tababarka, waxaana arki doonaa kooxda aan ku shaqeyn doono barri.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here