Badeecadaha Suuqyada Magaalada Kismaayo oo Sare u kac weyn ku yimid

0
184
Kismaayo (Idaacadda Waamo) Sare u kac aad weyn ayaa ka jiro suuqyada magaalada Kismaayo ee lagu iibiyo Raashiinka noocyadiisa kala duwan sida sokorta, burka, bariiska, saliida, baastada, caanaha, iyo kuwo kaloo badan.
dadka danyarta ee kunool magaalada kismaayo ayaa dhibaatooyin badan ku qaba sicirka qiimaha raashinka ee maalinba maalinka ka dambeysa wax kusii darsamaya.
Ganacsatada kunool magaalada kismaayo marka aad weydiiso sare ukaca qiimaha raashinka noocyadiisa kala duwan waxa ay kuu sheegayaan inuu kusoo laba kacleeyey cudurka covid 19, iyo dabeylaha ka jira badda.

Cowke Cali Cawil,ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here