Waa kuma difaaca ay naadiga Barcelona dooneyso inay ku baddesho Ronald Araujo xagaagan?

0
153

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mustaqbalka xiddiga difaaca uga ciyaara naadiga Barcelona ee Ronald Araujo ayaa shaki weyn la gelinayaa iyadoo lasoo warinayo inaysan isaga iyo kooxdiisa joogin meel u dhow inay heshiis cusub wada gaaraan, waxaana soo if baxaya warar sheegaya inay Barca baadi goob u gashay xiddigii ay ku baddelan lahayd.

Sida laga soo xigtay wargeyska El Nacional, Barca ayaa ka cabsi qabta inay lumiso Araujo, waxayna haddii uu ka tago ay diyaar u tahay inay u dhaqaaqdo difaaca naadiga Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Difaaca reer Senegal ayaa la sheegayaa inuu daacad u yahay Napoli balse waxaa lagu soo warramayaa inuu labadii sano ee lasoo dhaafay kula jiray wada-xaajood ku aaddan in la fasaxo, balse si xor ah ayaa lagu heli doonaa xagaaga dambe taasoo la micno ah in xagaagan lagu heli karo 30 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isna qandaraaskiisa uu xagaaga dambe dhici doonaa 22-sano jirka reer Uruguay ee difaaca dhexe kaga ciyaara Barcelona inkastoo kooxda reer Spain ay weli isku dayeyso inay heshiis cusub ku abaal-mariso balse arrimaha mushaharaadka ayaa hor taagan inuu xiddigan aqbalyo yaboohyada Blaugrana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here