RASMI: FIFA oo Russia ka saartay Koobka Adduunka ee Qatar

0
160

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xiriirka kubadda cagta dunida ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA iyo Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA, ayaa si rasmi ah u go’aamiyay maanta oo Isniin ah, in la hakiyo ka qaybgalka xulalka qaranka Russia dhammaan tartamada ilaa amar dambe.

Arrintan ayaa ka soo horjeedda hawlgalkii milatari ee Ruushka ka bilaabay dhulka Ukraine, kaas oo ay si cad u diideen inta badan ururada caalamiga ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa bayaan uu ku soo daabacay boggiisa rasmiga ah, wuxuu ku sheegay:

“Iyadoo la raacayo go’aamadii horudhaca ahaa oo ay qaateen “FIFA” iyo Guddiga Fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee “UEFA” labada xiriir ayaa maanta si wadajir ah u go’aamiyay, in dhammaan haddii uu ahaan lahaa xul ama kooxaha, laga joojin doono ka qaybgalka labada tartan ee FIFA iyo UEFA, illaa amar dambe.”

Sidoo kale madaxweynayaasha FIFA iyo UEFA ayaa rajo ka muujiyay in la soo afjaro hawlgalka milatari ee Ruushka uu ka bilaabay dhulka Ukraine:

“Xaaladda Ukraine si weyn oo deg-deg ah ayay u fiicnaan doontaa, si ay kubbada cagta markale u noqoto mid horseeda midnimada iyo nabadda dadka dhexdooda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here