kismaayo(Idaacadda Waamo)- Dhalinyarada badan oo baratay xirfada faryaamada ayaa waxay ku nool yihiin magaalada kismaayo kuwaasoo sameeya alaabta guryaha lagu isticmaalo sida sariiraha , armaajooyinka iyo miisaska kuwaasoo si weyn looga iibsado.
Magaalada kismaayo waxaa ku yaalo goobo lagu tababaro dhalinyarada kuwaaso la barayo farsamada gacanta si ay noloshooda iyo tan qoyskooda ay u hor mariyaan, goobahaasi oo laga soo saaray dhalinyaro badan oo bartay xirfada farsamada gacanta ayaa si iskood ah waxay uga shaqeysta magaalada kismaayo.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.