Man United oo garoonkeeda Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay 10 xiddig oo kooxda Brighton ah

0
126

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Brighton, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Brighton & Hove Albion ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Cristiano Ronaldo kaddib markii uu caawinta goolka ka helay saaxiibkiis McTominay.

90 + 7 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolka labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay B. Fernandes oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pogba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, United-ka ayaa soo fariisatay kaalinta afaraad ee dhanka kala sareynta horyaalka waxayan leedahay 43 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here