Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socay Hay’adda socdaalka Adduunka

0
104

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheer waxaana wehlinayey  Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qabato deegaanada Jubaland, iyadoo ay muhiimada koobaad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka.
Cabdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here