Beeralayda deegaanka goobwayn oo ka cabanaya biyo la’aan soo wajahday

0
192

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dadka beeralayda ah ee ku nool deegaanka goobwayn ee dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay biyo yarida deegaanka ka jirta oo saamayn wayn ku yeelatay beerahooda,beeralayda deegaanka goobwayn ayaa sida ay sheegeen waxaa  markii hore beerahooda ay ku waraabsan jiray biyaha wabiga Jubba kuwaas oo hada isku badalay dhanaan aan beeraha lagu waraabin karin sido kalana aan cabitaanka ku haboonayn  ka dib markii wabiga ay soo galeen biyaha bada .

qaar ka mid ah dadka beeralayda ah oo ka hadlay biyo yarida ay wajahayaan ayaa sheegay in xiligaan beerahoodu ay qatar ugu jiraan in ay biyo la,aan la baaba aan.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here