Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xulka Qaranka Gambia ayaa iska xaadiriyay 8 Dhamaadka koobka Africa iyaga oo sii wada mucjisada ay wadaan kadib markii ay reebeen xulka taariikhda weyn ee Guinea kulan adkaa.
Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xulba u ciyaareen si isku dheeli tiran waliba kala cabsanayeen oo ayna ku deg-degayn.
Xulka Guinea ayaa ciyaarta maamulayay xilli uu xulka Gambia ku ekaa weeraro rogaal celis ah iyo in ay difaacdaan goolkooda.
Xulka Gambia ayaa daqiiqadii 70-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta dhaliyay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Musa Barrow kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Labada xul ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kaadhka cas loo taagay iyada oo xulka Gambia daqiiqadii 87-aad kaadhka cas looga taagay xiddiga Yusupha Njie ka hor inta aan Ibrahima Conte kaadhka cas loo taagin daqiiqadii 90+3-aad.