Lionel Messi oo markiisii toddobaad ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or

0
290

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa lagu guddoonsiiyey Lionel Messi abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or 2021.

Lionel Messi ayaa caawa ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu ku garaacay xiddigaha kala ah Robert Lewandowski iyo Jorginho.

Kabtankii hore Kooxda Barcelona haddana ka tirsan naadiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa markiisii toddobaad caawa ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or, wuxuuna abaal-marintan ku muteystay kaddib markii uu xulkiisa qaranka Argantina ku hoggaamiyay in loo caleemo saaro tartanka Copa America.

Waxay ahayd markii 65-aad oo abaal-marintan la bixiyo, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii, iyada oo ay xusid mudan tahay in sanadkii la soo dhaafay abaal-marintan loo joojiyay in la bixiyo sababa la xiriira saameynta Covid 19.

Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa abaal-marintan Ballon d’Or waxa uu horay ugu guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here