Barcelona iyo Manchester United oo is gaad-gad isku hayo Suuqa kaa iibsiga Ciyaartoyda

0
337

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Naadiga Barcelona ayaa suuqa bisha January ee sanadka soo aaddan dooneysa inay sameyso ugu yaraan hal saxiix oo ay dhanka weerarka ku xoojiso, waxaana bartilmaameedyadeeda ku jiro xiddigo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

Anthony Martial ayaa ka mid ah bartilmaameedyada Barca kaasoo mustaqbalkiisa Manchester United shaki weyn la gelinayo kaddib markii uu lumiyay booskiisa shaxda koowaad, waxaana lala xiriirinayaa Blaugrana iyadoo warbaahintaย Araย ay sheegtay inay xitaa labada naadi ka wada-xaajoonayaan iibka 25-sano jirkan.

Dhinaca kale se, Red Devils ayaa baacsaneysa Ousmane Dembele oo garbaha kaga ciyaara Barca inkastoo qorshahooda saxiixa xiddigii hore ee Dortmund uu yahay suuqa xagaaga kahor bilawga xilli ciyaareedka dambe sida ay baahisay majaladdaย Mundo Deportivo.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska 224-sano jirkan ayaa dhici doona dhammaadka fasalkan, iyadoo ay Barcelona la tacaaleyso kordhinta heshiiskiisa inkastoo macallinkiisa Xavi Hernandez uu sheegay inuu Dembele ku faraxsan yahay sii joogista Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here