Imaaraadka Carabta oo 10 bilyan oo dollar ku maal-gashaneysa Turkiga

0
255

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dowladaha Turkey iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiishyo dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga ah xilli dalkaasi uu booqanaya dhaxalsugaha Abu Dabi Maxamed Bin Zayed.

Heshiisyada is afgaradka ah ee labada dal ayaa imaanaya xilli Turkey ay ka jirto xiisad dhinaca lacagta Liirada ah oo hoos u dhac weyn ku yimid.

Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in 10 bilyan oo dollar uu ku maalgashan doono dalka Turkiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo fulinta mashariic horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here