Kombuyuutarkii ugu horreeyay ee Apple ah oo lagu iibsaday Lacag badan

0
283

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kombuyuutar kii u horeeyey ee Apple ah ee ay sameeyeen labadii nin ee shirkaddaa wada aasaasay, Steve Wozniak iyo Steve Jobs, 1976 oo lagu xaraashay Maraykanka ayaa la siistay lacag dhan 400,000 oo doolar.

Kombuyuutar kan naadirka ah ee Apple-1 oo qafaska uu ku jiraa ka samaysan yahay looxa geedka Koa la yidhaa ee ka baxa Hawaii, ayaa si fiican u shaqaynaya waxaanu ka mid ahaa 200 ee ugu horeeyey ee la sameeyey.

Waxaanu wataa kombuyuutarku buugii muujinayey sida loo adeegsanayo iyo sidoo kale laba cajaladood oo uu ku jiro Software ka Apple ee uu ku shaqaynayo.

Kombuyuutar kan waxaa isaga dambeeyey laba qof oo keliya lahaanshihiisa oo kala ahaa bare jaamaceed iyo ardaygiisa oo uu 650 ka siiyey, sida ay sheegtay shirkada xaraashka alaabaha qadiimka ah ee John Moran Auctioneers oo ku taal California.

“Waa sababta ay dad badani u xiiseeyeen kombuyuutarka.”

Jobs, Wozniak, iyo Ronald Wayne ayaa aasaasay shirkada Apple 1 Abriil 1976 oo waxay ku bilaabeen geerash ku yaal gobolka California.

Si uu lacag ugu helo soo saarista Apple 1, Jobs wuxuu iibiyey baabuurkiisii VW ahaa, halka Wozian isna ku iibiyey kaalkulaytar HP-56 ah 500 oo doolar joogay markaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here