Dib-qalooc boqolaal qof ku waxyeeleeyay magaalo ku taalla dalka Masar

0
459

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dub-qalooc ama hangaralle ayaa dalka Masar ku dilay saddex qof , halka kuwa kalana uu dhaawacyo gaarsiiyay.

Dhacdadn ayaa ka dhacday magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, kadib markii dabeylo xooggan ay ku dhufteen waddooyinka iyo guryaha dalkaasi.

Ilaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii hangarallooyinkan ama dub-qaloocyadan ay qaniineen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka.
Roobka sita dabeylaha xooggan iyo onkodka ee ka da’ay agagaarka webiga Nile Jimcihii ayaa ahaa mid dhibaatooyiin gaystay.

Dub-qaloocyada iyo Masaska ayaa marka ay da’aan roobabka mahiigaanka ah waxaa soo qaada biyaha iyo dabeylaha xooggan markaasi oo wadooyiinka lagu arko islamrkana ay dadka waxyeeleeyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here