Dad Soomaali ku jirtay oo xabsi ku yaalla Libiya laga sii daayay

0
126

Tripoli(Idaacadda Waamo)-Saraakiisha ammaanka Dalka Libiya ee xarun lagu haayay dad Muhaajiriin Soomaali ah ay ku jirto ayaa sheegay in xaruntaasi laga sii dayay 57 qof oo magangalyo doon.

Dadkaan ayaa bishii hore ee October lagu soo qabtay Howlgal ay Laamaha ammaanka Libiya ay ku bartilmaamaysanayeen dadka soogalootiga sharci darada ah.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey ee  UNHCR ayaa sheegtay in dadkaan ay ubaahan yihiin lacag deg deg si noloshoodi ugu dabaraan.

UNHCR waxa ay shaaca ka qaaday in dadkaan badankoodi ay ka muuqato tabar yari caafimaad, waxaana ay 57 qof ka kalasoo jeedaan wadamada Soomaaliya, Ethiopia iyo ereteria.

Wali waxaa jira koox kale oo Soomaali ah oo u xiran laamaha amaanka Libya kuwaa oo magaalada Caasimadda ah ee Tripoli laga qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here