Waa kee saxiixa weyn ee uu qorsheenayo Florentino Perez inuu u sameeyo Real Madrid sanadka 2022?

0
165

Madrid(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa qorsheeneysa inay sameyso saxiixyo badan si ay ugu xoojiso safka kooxda cadaanka ah suuqa xagaaga soo socda, iyada oo Florentino Perez uu doonayo inuu Los Blancos ku sameeyo dib u habeyn xoogan, sidaas darteed wuxuu bartilmaameed ka dhiganayaa ciyaartoyda qaa oo kooxo kala duwan u ciyaara.

Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa kooxda ka dhisan caasimada Spain la xiriirinaya dhowr ciyaartooy, kuwaasoo qandaraaskoodu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Tani waxay la macno tahay in Real aysan wax lacag ah ku bixin doonin si ay ugu guuleysato saxiixyada qaar ay dooneyso, marka laga reebo mushaarka ay qaadan doonaan haddii ay ogolaadaan xirashada maaliyada cadaanka ah, waxaana xiddigahaas ka mid ah Antonio Rudiger, Paul Pogba iyo Kylian Mbappé.

Laakiin shabakadda Bernabeu Digital ayaa sheegtay in tani ay ka dhigan tahay in Florentino Perez uu diiradda saari doono in lacagaha oo dhan uu ku qarash gareyn doono sida uu ku heli lahaa saxiixa laacibka reer Norway iyo kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here