Tababare Xavi Hernandez oo soo bandhigay Caawiyayaashiisa Shaqada Barcelona.

0
184

Barcelona-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha cusub ee Barcelona ee Xavi Hernandez  ayaa Magacaabay ku-xigeennadiisa iyo shaqaalaha kale ee tababarka ee ka caawin doona shaqadiisa tababarenimo ee Barcelona, kuwaas oo ciyaartoyda kooxda u bilaabay layliskii ugu horreeyey Isbuucan.

Halyeyga Barcelona ayaa Isniintii si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay tababaraha cusub ee beddelay Ronald Koeman, waxaana lagu soo bandhigay Camp Nou oo u ahaa qalcaddii uu farshaxanka ku dhigi jiray, guulaha badanna ku gaadhay.

Xavi ayaa gacan-yareyaashiisa ku darsaday walaalkii oo horena ugala soo shaqeeyey kooxda reer Qatar ee Al-Sadd, waxaana Oscar Hernandez wehelinaya Sergio Alegre oo isaguna kala soo shaqeeyey Al-Sadd.

Oscar Hernandez iyo Sergio Alegre ayaa noqonaya tababare ku-xigeenka koowaad iyo ku-xigeenka labaad, waxaana  saddexaynaya Jose Ramon De la Fuente oo loo Magacaabay tababaraha goolhayaha, ahna shaqsiga kaliya ee ka hadhay shaqaalihii hore ee kooxda sii joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here