Jorginho oo cadeeyey Laba Xiddig ee uu Codkiisa Siin Doono Abaalmarinta Ballon d’Or-ka.

0
174

Ballon d’Or-(Idaacadda Waamo)-Tartanka abaal marinta Ballon d’Or 2021 ayaa sii kululaanaya, xiddiga Chelsea ee Jorginho ayaa ka mid ah Musharixiinta ugu cad-cad abaalmarinta shaqsiga ah ee sharafta leh.

Ku guuleysiga UEFA Champions League ee Chelsea iyo tartankii Euro 2020 ee Italy ayaa Jorginho ka dhigay in uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah.

Isagoo la hadlayay saxaafada Talyaaniga, xiddiga kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa iska diiday xiddigaha Lionel Messi iyo Robert Lewandowski mar wax laga waydiiyay xiddigaha uu codkiisa siin doono.

Jorginho ayaa sheegay inuu codkiisa siin doono Labada Xidig ee kala ah “ Kante ama De Bruyne”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here