Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankaan uu gudoomiyaha cusub ee Degmada Kismaayo la qaatay Maamulada shanta xaafadood ee Magaalada Kismaayo iyo shirkada qashinka qaada ee Waamo ayaa ku saabsanaa horumarinta iyo bilic soo celinta Magaalada Kismaayo .
Sido kale Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer guud ku sameeyay xarunta dowlada hoose ee Degmada ,waxaa ayna hawl wadeenada Degmada ugu baaqeen in bulshada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan .
Kormeerka iyo kulanka ka dib Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna duqa Magaalada Cumar Cabdullahi Maxamed Fara wayne ayaa ka warbixiyay kulanka uu la qaatay maamulada xaafadaha Magaalada iyo kormeerka guud ee xarunta dowlada hoose waxaa uu bulshada reer kismaayo uu ugu baaqay inaay ka shaqeeyaan horumarka Magaalada
Hamdi Maxamed Yaasiin, ayaa warbixintan inooga diyaarisay.