RASMI: Xiddiga Trevoh Chalobah oo Heshiis Cusub u Saxiixay Chelsea

0
206

Chelsea-(Idaacadda Waamo)-Trevoh Chalobah ayaa u saxiixay kooxda chelsea heshiis cusub oo 4 sano iyo bar ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Daafaca da’da yarka ah, oo 22 jirsaday bishii July, ayaa 10 u ciyaaray chelsea xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay gool uu ka dhaliyay kooxda Crystal Palace markii ugu horeysay ee uu kasoo muuqdo Stamford Bridge.

Xiddiga ka soo baxay Akademiyada ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda kadib markii uu kooxda ku soo biiray isaga oo 8 sano jir ah, Kadib heshiiska cusub ee uu saxiixay xiddiga 22 jirka ah ayaa sii joogi doona kooxda ilaa xagaaga 2026 isaga oo ka sii qayb ahaan doona qorshaha kooxda.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here