Liverpool oo Guuldaro Dhabarka Usaartay Man United.

0
225

Premier League-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa xasuuq kubadeed u geystay Man United ka dib ciyaar ay maqane jooge ahaayeen United , waxa ayna ugu talaabsadeen 5 gool oo nadiif ah .

United waxaa nasiinada loogu diray afar gool oo nadiif ah kuwaa oo kala dhaliyey , N. Keita, D. Jota, M. Salah, M. Salah, qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 oo Liverpool ay Hogaanka Kusii Dheereysatay.

Qeybtii Labaad ee ciyaarta ayaa dib loogu soo laabtay kooxda Man United oo Goolal la ciirciireyso ayaa soo gashay garoonka, Daqiiqadii 50-aad ee Ciyaarta Liverpool ayaa la timid goolka 5-aad ee Ciyaarta waxaana Goolkaasi u Dhaliyey Xidiga Muslimka ee M. Salah oo Xalay Man United Ka Dhaliyey Saddexley.

United waxaa daqiiqaidii 60-aad kaarka casaanka ka qaatay Pogba oo kulankaas badel lagu soo giliyay halka Liverpool-na uu ka dhaawacmay Naby Keïta  waxaana u sabab ahaa Pogba xilli Kaite gaari xanbaar looga saaray daqiiqadii 63-aad.

Guud ahaan Liverpool waa mudnaayeen guushaas , United guul darro ayay diyaar ahaayeen waxa ayna ciyaarta ku dhamatay 5 gool oo Nadiif ah oo ay Liverpool Guul Ku Gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here