(SAWIRO) Kooxda Arsenal oo Garaacday Kooxda Aston Villa.

0
354

Premier League-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa Kulamada Premier League kana dhacay garoonka Emirates Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal ku fiicnatahay kana awood badantahay kooxda martida u ahayd ee Aston Villa kuwaas oo aan ciyaarta ku bilaaban si fiica.

Kooxda Arsenal ayaa Daqiiqadii 23-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Khadka Dhexe ee Thomas Partey kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay Ciyaarta 1/0.

Daqiiqadii 45+6-aad ayay Arsenal dhalisay Goolka 2-aad waxaana rikoore u dhaliyay Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Daqiiqadii 56-aad ayay Arsenal dishay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Emile Smith Rowe dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Arsenal Hogaanka Kusii Dheereysatay.

Kooxda Aston Villa ayaa daqiiqadii 82-aad dhalisay gool sharafeedka waana goolka Madiga ee ay La Timaaday waxana u dhaliyay xiddiga Jacob Ramsey kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa Sidaas kusoo Dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn ka gaartay Aston Villa kuna soo laabatay wadada guulaha kadib bar-barihii ay galeen kulankii Todobaadkii hore.

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here