Kooxda Barcelona oo bisha Janaayo qorshaynaysa bixitaanka Samuel Umtiti

0
194

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay bisha Janaayo qorsheynayso bixitaanka daafaceeda Samuel Umtiti,

Wargeyska Sport ayaa warinaya in Kooxda Barcelona ay isku dayi doonto inay Samuel Umtiti ka saarto safkeeda sanadka cusub 2022 oo ay guri cusub u hesho 27-sano jirkaan.

Xiddiga reer France ee Samuel Umtiti ayaa lagu soo warramayaa in uu Tababare Ronald Koeman u sheegay in uusan ku jirin qorshihiisa Kooxda Blaugrana.

Si kastaba ha noqotee, haddii ay Barca awoodi doonto inay hesho cid u soo doonata Umtiti, kaasoo aan doonayn inuu baxo waa la arki doonaa bisha Janaayo marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here