Aaladaha Facebook, What’s app iyo Istagram oo mar qura hawada ka baxay

0
173

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Aaladaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa mar qura hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad, taasi oo keentay inay saameyso dad aad u fara badan oo dunida ku kala nool.

Al-Jazeera ayaa ku warantay in dadka isku daya inay galaan facebook ay ka hor imanayso farriin dhaheysa.

“Raali noqo, waxbaa qaldan. waan ka shaqeyneynaa, waana xallin doonnaa, sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan u awoodno”.

“Waxaan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhib badan ku qabaan helidda ama gelidda baraheenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxda shirkadda Facebook, kaasi oo lagu daabacay barta Twitter-ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa inay wax waliba sidii caadiga ahaa ku soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan, uguna macquulsan, waxaana idinka raali gelineynaa caqabadda ku timid dhanka isticmaalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here