Atletico Madrid oo garoonkeeda Wanda Metropolitano ku dubatay kooxda Barcelona

0
215

Madrid(Idaacadda Waamo)-Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano ku dubatay kooxda Barcelona, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid.

Daqiiqadii 23-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thomas Lemar, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luis Suárez.

44 daqiiqo marka ay dheesha ahayd Atletico Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Luis Suárez oo ay caawin kaga timid Thomas Lemar.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Atletico Madrid, kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd garoonka Wanda Metropolitano, Barca ayaa waxay haatan 12 dhibcood la fadhisaa kaalinta 10-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka, halka Atletico ay ku jirto booska labaad waxayna min 17 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo bari la balansan Espanyol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here